Dhageyso:Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland oo maanta hortagey Golaha wakiilada

657
Golaha Wakiilada Jubbaland oo maanta yeeshay mid kamida fadhiyadooda caadiga ah islamarkaana uu shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Jubbaland mudane Cabdi Baaley Xuseen ayaa waxaa soo xaadiray 51 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada.
Fadhigii maanta ayey mudanayaashu su’aalo kala duwan ku weydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland mudane Cabdiwahaab Axmed Cusmaan ooh or tagay Golaha Wakiilada Jubbaland.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland ayaa Xildhibaanada uga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen kuwaas oo la xiriira shaqooyinka Wasaaradda ay qabato, noocyada shatiyada ganacsiga ee ay bixiso, farqiga u dhaxeeya Hay’adda Tayodhowrka iyo Shirkadda Tayodhowrka oo hadda gacanta ku haysa adeegga kontoroolka waxyaabaha Jubbaland soo gala iyo kuwa laga dhoofiyaba.