Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo kullan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha

572

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kullan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha oo uu kala hadlay dardar galinta howlaha baaxada leh ee ay hayaan iyo hufnaanta shaqada Wasaaradaha.

muhiimada guud ee kullankan ayaa ahaa sidii loo dardar galinlahaa howlaha baaxada leh ee ay hay’adaha dowladu uhayaan bulshada Jubbalalnd iyada oo layskula xisaabtamayo

Dhinaca kale Agaasimaasha wasaaradaha ayaa madaxweynaha la wadaagey howlaha ay hayaan iyada oo laysla gorfeeyay caqabadaha taagan iyo adeegyada ay bulshada ubaahan yihiin

Ugu danbeyn madaxweynaha ayaa agaasimaasha oga mahad celiyay howsha culus oo ay u hayaan bulshada isaga oo kula dardaarmay in lasii xoojiyo shaqooyinka iyada oo dadku loogu adeegayo hufnaan iyo hagar la’aan.