Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kullan la qaatay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey

384
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Ergeyga Cusub Qaramada Midoobay kala hadlay Arrimo ay kamid ahayeen Taageridda Wajiga 2-aad ee Dagaalka Khawaarijta, Xoojinta Hirgelinta Mashariicda Hormarineed iyo sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha kusoo noq-noqday Deeganada Koonfur Galbeed.
Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing ayaa dhankiisa sheegay inay xoojinayaan wada shaqaynta koonfur galbeed kala dhaxaysa sidookalana ay ka taageeri doonaan dagaalka AS iyo arimaha gurmadka abaaraha .