Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul iinsaanka Jubbaland oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda haweenka ayaa si wada jira oga dhagax dhigay cisbitaalka wayn ee magaalada kismaayo xarun lagula tacaalo tacadiyada lagula kaco caruurta iyo haweenka .
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo madasha dhagax dhiga ka hadlay ayaa soo dhaweeyay xaruntan isaga oo sheegay in wasaaradda haweenka ay aad oga soo shaqeysay mashruuca hir galinta xaruntan lagula tacaalayo tacadiyada haweenka iyo caruurta lagula kaco sidookale si wayn loogu baahnaa marka loo eego xaga caafimaadka .
wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul iinsaanka Jubbaland Cadar Cabdullaahi Ismaaciil ayaa dhankeeda sheegtay in hirgalinta xaruntan ay mudo dheer ku dadaalayeen waxaana ay tilmaamtay in lagu daryeeli doono dadka lagula kaco tacadiyada gaar ahaan haweenka iyo caruurta .
Waa markii ugu horeysay oo magaalada kismaayo laga dhagax dhigo xarun caafimaad oo si gaara lagula tacaali doono dadka lagula kaco tacadiyada gaar ahaan haweenka iyo caruurta .