Maamulka Degmada Kismaayo oo shaaciyey bilaabashada wajiga labaad ee dhismaha wadooyinka laamiga ah

443

Dowllada Hoose ee degmada Kismaayo ayaa shaacisay xiliga la bilaabayo wajiga Labaad ee dhismaha wadooyinka cusub ee laamiga ah ee laga hirgalinaayo magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ayaa yeelanaysa wadooyin dhowr ah oo gaadhaya 37km oo laami ah. Kuwaas oo maamulka degmada iyo dowllada Jubbaland u qorsheeyeen wadooyinka muhiimka u ah isku socodka dadwaynaha iyo gaadiidka.
Gudoomiye kuxigeenka degmada Kismaayo Daahir Xussien Cabdi oo waraysi gaar ah siiyey Radio Kismaayo ayaa sheegay in meel fiican marayaan dhismaha wadooyinka degmada Kismaayo.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Kismaayo ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in wadooyinka laamiga ah cusub ee la dhamaystiray lagu xidhaayo Solar Iftiimiya habeenkii iyo wadooyinkii hore-ba si dadka isticmaalaya wadooyinka ay nabad galya ah ugu maraan.