Dowladda oo sheegtay in la qabtay qaraxyo lagu weerari rabay Beerta Nabadda

550

Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen jaakado waxyaabaha qarxa lagu soo qariyay oo la doonayay in lagu weeraro xarunta Beerta Nabadda ee Muqdisho.

War kasoo baxay sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la qabtay jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshe lagu weerari lahaa Beerta Nabadda.

Hay’adda NISA ma sheegin dad lala qabtay qaraxyadaas, iyada oo dowladda Soomaaliya laga sugayo faah faahinada dheeraad ah ee warka kasoo baxay ee ku aadan qabashada qaraxyada.

Xarunta Beerta Nabadda oo u dhow Isgoyska Ceelgaabta ayaa ah Goob ay isugu tagaan dhalinyaro ka kala yimaada Muqdisho iyo degaannada ku dhow dhow si ay ugu dalxiisaan, waxaana weli arrintaan ka hadlin Maamulka Xarunta Beerta Nabadda ee Magaalada Muqdisho.