Ergeyga MW u qaabilsan Xuquuqda Muhaajiriinta iyo Carruurta oo walaac ka muujiyay Xaaladda Suudaan

426

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Xuquuqda Muhaajiriinta iyo Carruurta Maryan Yaasiin Xaaji Yusuf ayaa walaac ka muujisay xaaladda deg-degga ah ee ka taagan dalka Suudaan, taas oo keentay in ay barakacaan qoysas badan oo u nugul dhibaatada iyo Arday.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ergaygu ayaa lagu sheegay in uu Xafiiska uu “ku howlan yahay sidii si deg deg muwaadiniinta Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa waddankooda hooyo, Iyadoo howshaan baaxadda leh lagala kaashanayo dhammaan hay’adaha ay khusayso,“ sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ergeyga.

Sidoo kale Warka ka soo baxay Xafiiska ayaa lagu sii yiri, “Ergeygu waxuu sidoo kale qirayaa doorka muhiimka ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ay ka ciyaartay isku-dubaridka iyo xiriir dhow oo ay la leedahay Safaaraddeena Soomaaliyeed iyo hogaanka wanaagsan ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Abshir Cumar.”

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xuquuqda Muhaajiriinta iyo Carruurta Maryan Yaasiin Xaaji Yusuf ku booriyay beesha caalamka in ay taageero dheeraad ah siiyaan dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka taagan Suudaan, gaar ahaan carruurta iyo qoysaska lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda.

Ajaanib badan ayaa laga daadgureeyay Jamhuuriyadda Suudaan kaddib markii xaaladda halkaas ka jirta ee dhanka Amniga ay sii korortay, Dowlado kala duwan ayaa diyaaradaha nooca Militariga u diray Magaalada Khartuum.

Rabshadha ka dhacay Khartuum ee isku dhaca labada Ciidan ay kala wataan Gen. Cabdifitaax & Gen. Daqalo ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 420 ruux halka ay dhaawacmeen tiro intaas ka badan sida uu sheegay ururka ay ku mideysan yihiin Dhakhaatiirta Suudaan.