Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayey Maalinta Biyaha adduunka oo lagu qabtay magaalada Kismaayo.
Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Jubbaland ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha kala duwan ee Jubbaland iyo Ururada bulshada rayidka ah.