Faahfaahin ku saabsan shil diyaaradeed oo ka dhacay xerada Ballidoogle

463

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa lagaa helayaa shil diyaaradeed oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay xerada Ballidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Shilka ayaa yimid, kadib markii diyaarad Helicopter ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Danab ay ku dhacday agagaarka saldhiggaas oo uu gacanta ku hayo Mareykanka.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay burburtay, isla-markaana ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askartii saarneyd, xilli ay tababar ay ku jireen.

Ugu yaraan 4 askari oo ka tirsanaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa ku dhintay goobta halka ay ku dhaawacmeen 4 kale sida ya xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale waxaa diyaaradda la socday laba askari oo kasoo jeeda dalka Uganda iyo mid kale oo cadaan ah kaas oo ahaa Pilot-ka, waxayna tababar siinayeen ciidamada Danab.

Askara geeriyootay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ka mid ahaa ciidan tababar ku qaadanaya xerada Ballidoogle, kuwaas oo uu dhawaan booqasho ugu tegay ra’iisul wasaare Xamza.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda federaalka iyo Mareykanka oo ku aadan shilkaasi sababay dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhacay xerada Ballidoogle.

Xeradaan oo si gaar ah loogu tababaro ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa gacanta ku haya Mareykanka oo ka mid dalalka la dagaalama Al-Shabaab.