Soomaali weli la la’yahay dhul gariirkii ka dhacay dalka Turkiga

572

Tirada dadka ku dhintay dhul-gariirkii xoogganaa ee ku dhuftay Turkgia iyo Siiriya ayaa haatan kor u dhaaftay 25 kun oo qof. Shaqaalaha gurmadka oo wada howl-samatabixin ah ayaa qaarkood soo badbaadiyay dad ku hoos jiray burburka.

Sidoo kale, shan qof oo Soomaali ah oo ku dhintay dhul-gariirka ayaa shalay la aasay, iyadoo 4 hablood oo Soomaali ahna ay ka mid yihiin dadka wali la la’ yahay.

Haddaba, wararkii u danbeeyey ee khasaaraha dhulgariirka iyo gurmadka socda ayay sheegayaan in shaqaalaha gurmadka ay weli wadaan baadi goobka dadka wlei ku maqan dhismayaasha bururay oo dad badan ku dhinteen.

Cawaale Axmed Darfac oo ka mid ah ardayda Soomaalida Turkiga oo haatan ku sugan magaalada Ankara ayaa sheegay in magaalooyin badan oo kuyaalla dalalka Turkiga iyo Siiriya, isla markaana ay jiraan dad badan oo weli maqan.