Madaxweynaha soomaaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

705
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdi uu Hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shekh Maxamuud.
soo dhaweynta madaxweynaha waxaa qeeb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan koofur-galbeed qeebaha kala duwan ee bulshada
Socdaalka Madaxweyne Xasan Shekh ee Magaalada Baydhabo ayaa ah Daahfurka Shirka Dib-uheshiisinta Koonfur Galbeed oo lagu Wado Maalmaha soo socda inuu ka furmo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.