Dowlada Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay laba arrimood

454

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallin oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi, Bekir BOZDAĞ.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wadahadlay arrimaha cadaaladda iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu wasiirku booqasho ku tegay xarumaha Wasaaradda Cadaaladda ee dalka Turkiga, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wasiir Xasan Macallin oo ka warbixiyay kulanka uu la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay diiradda saareen arrimaha Garsoorka  iyo sidoo kale dardar-gelinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo haatan ka socdo inta badan gobollada Soomaaliya.

Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna tababar siiyaa ciidamada Xoogga dalka, isaga oo sidoo kale ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab.