
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Wakiilka gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Arrimaha Afrika, Mudane Liu Yuxi, waxa uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga.
Intii kulanka lagu gudo jiray , waxaa lagu faaqiday dhowr feyl, oo ay ku jirto isku-duwidda aragtiyada xilliyada la joogo shirarka caalamiga, taageeridda ololaha Soomaaliya ee si dhammaystiran looga qaadayo xayiraadda hubka ay Qaramada Midoobey ku soo rogtay sanadkii 1992, xushmad is-dhaafsiga labada dal ee ku saabsan dhowridda madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed si la mid ah maalgeshiga Shiinaha iyo mashaariicdiisa horumarineed oo laga fuliyo Soomaaliya.