
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray Degaanka Biya-Cade ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo kamid degaanada laga saaray Al-Shabaab
Gudoomiyaha iyo Xildhibaanada ayaa socdaal kuso maray wadooyinka soo gala Degaanka iyo kuwa ka baxa, waxaana Shacabka Degaanka ay u muujiyeen soo dhaweyn iyo sida ugu faraxsanyihiin in mas’uulyiinta soo gaaraan Degaankan Biya-Cade
Mas’uulyiinta ayaa kulan dhiiragalin ah la qaatay Ciidamada dib u xureynta Degaanka ee Macaawiisley oo diyaarsan iney iska difaacaan weerarada Al-Shabaab degaano badana ka saaraan.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in Degaankan Al-Shabaab dib u dhigeen balse hadda ay iska xureeyeen islamarkaana laga hirgalindoono adeegyada Aas Aasiga ee Bulshada.