Jubbaland Oo Go’aano Culus Kasoo Saartay Tacadiyadda Haweenka Loo Gaysto

623

Kullan Ay  Soo qaban qaabisay Wasaaradda haweenka arimaha qooyska iyo xaquuqul insaanka jubbaland ayaa ku saabsanaa daahfurka 16ka beri Ee Ololaha  ka hortaga shaqaaqooyinka haweenka

Xalfada ayaa waxaa ka  qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka jubbaland suldaan cabdulqaadir xaaji maxamuud iyo labadda Golle Ee Jubbaland

gudoomiyayaasha gobolka jubbada hoose iyo kan degmada, kismayo ,odayaasha dhaqanka iyo ururka haweenka bulshada rayidka qeybeheeda kala duwan.

Wasiirka amniga jubbland godoomiyaasha gobolka jubbada hoose iyo kan degmada kismayo, afhayeenka salaadiinta jubbland ugaas xiirey ayaa hadalo kooban ka jeediyay madasha lagu daahfuray musaabada 16ka maalmood ee looga hadlaayo ol’olaha ka hortaga shaqaaqooyinka haweenka,

 

Wasiirka Wasaaradda haweenka arimaha qoyska iyo xaquuqul insaanka jubbaland cadar ismaaciil juuraati ayaa waxa ay sheegtay in Wasaaradda haweenka jubbaland ay Soo qabatay shaqooyin wanaagsan ka jubbaland ahaan ay hoos u dhaceen tacadiyada waxa ay sheegatya in Wasaaradda ay joojisay in warbixinada been abuurka ah ee ay qaar ka md ah hay’ada diri jireen waxa ay ayna si cad u sheegatay warbixin aysan Wasaaradda hubin in aan la gudbini Karin ,

madaxweyne ku xigeenka jubbaland suldaan cabdulqaadir xaaji maxamuud oo daahfuray munaasabadda ayaa wxa uu sheegay
in tacadi loogeysto haweenka aan la ogoleeyn jubbalandna ay ka meel cad ka taagan tahay arintaasi,