Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

490

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareeysay Weerarkii qaraxa ahaa ee lala beegsaday Xerada lagu tababaro Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Warshadda Nacnaca oo ku taalla degmada Wadajir, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadka ayaa lagu xaqiijiyay in Imaaraadka Carabta uu si weyn u cambaareynayo falalkan dambiyada ah iyo dhammaan noocyada rabshadaha, xagjirnimada, iyo argagixisada ee looga dan leeyahay in lagu qalqal geliyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Sidoo kale Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas ismiidaaminta ahaa, waxayna u rajaysay caafimaad degdeg ah dhammaan inta ku dhaawacantay.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaraxaas ku sheegtay in lagu dilay   kamid ah dhalinyaradii loo qoray inay kamid noqdaan Ciidanka xoogga dalka, halka Al-Shabaab ay sheegteen inay ku dileen 100 Ruux, hayeeshee xogta la helay ayaa sheegeysay in ku dhawaad 20 ay ku dhinteen.