Kadib howlgal ay sameeyeen Ciidamada Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashanya kuwa Daraawiishta Galmudug & dadka degaanka ayaa Maanta la wareegay Gacan ku heynta degaanka Qaayib oo hoostaga Magaalada Cadaado, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in, iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin ay sinad ah kula wareegeen degaanka kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in ka hor Al-Shabaab inta aysan ka ixin degaanka Qaayib ay qarax xoogan ku burburiyeen Xarumihii Isaarsiinta iyo Ceelkii Biyaha laga cabi jiray, hayeeshee Ciidamada ay ku raad joogan.
Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa weli ka socda qeybo badan oo kamid ah gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyada oo Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay degaano dhowr ah la wareegeen.