Taliyeyaasha NISA iyo Booliiska gobolka Hiiraan oo Muqdisho looga yeeray kadib qaraxyadii Beledweyne

682

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ugu yeertay Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle & Taliyaha Ciidanka NISA ee Gobolka Hiiraan Colaad Dalabeey kadib markii lagu eedeeyay inay ka gaabiyeen ka hortegida weerarada Al-Shabaab.

U yeeritaanka labada taliya ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib markii guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan uu ku eedeeyay iney ka gaabiyeen waxka qabashada Amniga, isla markaana dowladda Soomaaliya uu ka codsaday in tallaabo laga qaado waxna laga weeydiiyo qaraxyadii ka dhacay magaalada Baledweyne 3-dii bishan Oktoobar.

Wararka ay heleyso Risaala ayaa sheegaya Magaalada Muqdisho uu si deg deg ah ku yimid Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle,isla markaana su’aalo lagu weeydiinayo Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da, balse taliyaha NISA Colaad Dalabeey uusan wali soo gaarin Muqdisho.

Lama oga talaabada xigta oo ay dowladda Soomaaliya ka qaadan doonto labadan masuul oo magaalada Muqdisho looga wacay si loogula xisaabtamo qaraxyadii waa weeyna ee Ismiidaaminta ahaa ee Baledweyne ka dhacay Isniintii lasoo dhaafay, kuwaas oo ay ku dhinteen 30 Ruux oo ay kujiraan mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan