Dowladda oo iclaamisay dagaal Maalliyadeed oo ka dhan ah Al-Shabaab.

590

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafaya ay baaris iyo dabagal xoogan ku hayeen Shaqsiyaad ku eedeysan dambiyo la xiriira lacag dhaqida iyo maalgelinta Al-Shabaab oo halis ah xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Caalamka.

Xeer Ilaaliyaha oo Warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa sheegay in Xafiiska Xeer ilaaliyaha uu daba socdo dhaq dhaqaaqyada maaliyadeed ee lagu dhaqayo lacagaha laguna maalgelinayo waxa loogu yeero argagaxisada, isla markaana ay isha ku hayaan xisaabaadka Ganacsiga iyo tallaabooyinka lagu dhaqayo lacagaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo inay maalgelin maaliyadeed sineyso Al-Shabaab, isaga oo u digay dadka lacagaha dhaqaya iyo kuwa wada maalingelinta Ururka Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa iclaamiyay dagaal Maaliyeed oo ka dhan ah maalgelinta Al-Shabaab iyo kuwa dhaqa lacagaha, isaga oo sheegay in ay kula diriri doonaan gudaha iyo dibadda, iyaga oo la kaashanaya Hay’adaha Caalamka, isaga oo sidoo kale diniin u diray dadka Garsoorka u doonta Al-Shabaab.