Japan ayaa ku yaboohday $30B oo ay ku maalgashan doonto Afrika

635

Ra’iisul wasaaraha Japan ayaa ku dhawaaqay maalgashi dhan 30 bilyan oo doolar oo Afrika ah, isagoo sheegay in dalkiisa uu si weyn uga qeyb qaadan doono horumarinta Afrika.

“Japan waxa ay rajaynaysaa in ay noqoto shuraako, si wadajir ah ula jaanqaada Afrika,” Fumio Kishida ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo hogaamiyayaasha Afrika Axadii ka dib markii uu martigeliyay shirkii Sideedaad ee Tokyo ee Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika.

Wuxuu si rasmi ah uga hadlay shir madaxeedka wadamada Afrika oo ay si wadajir ah u martigelinayaan Senegal iyo Tunisia oo ka dhacay caasimadda Tunis, bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Japan ayaa lagu yiri Isniintii.

“Japan waxay si xoog leh uga qayb qaadataa horumarinta Afrika iyadoo laga guuleysanayo caqabadaha ka jira Africa ayadoo siwadajir ah loo kaashanayo Africanka, Marka sidaas la sameeyo, Japan wax bay ka baran doontaa horumarna waa uga siyaadi doonaa, ,” Kishida ayaa yidhi.

Dhamaadkii usbuuca, Kishida waxa uu kulan toos ah la yeeshay dhowr hoggaamiye oo Afrikaan ah isagoo kala hadlay fikirkiisa ku aadan qaabka cusub ee hantiwadaagga ah.

Kishida ayaa ku dhawaaqay 30 bilyan oo doolar taasoo qayb ka ah tabaruca dhaqaale ee guud iyo kuwa gaarka ah ee Japan ugu deeqo Afrika.

Wax ku biirinta waxay diiradda saari doontaa maalgashiga dadka iyo tayada kobaca waxayna higsaneysaa Afrika adkaysi leh oo waarta iyadoo la xalinayo dhibaatooyinka kala duwan ee ay la kulmaan dadka Afrikaanka ah,” ayuu yidhi.

Kishida oo muujinaya rajada uu ka filayo “kobaca firfircoon” ee Afrika, ayaa yidhi: “Waa muhiim in Japan ay si wadajir ah u ula jaanqaaddo Afrika, maaddaama Afrika ay ku koreeyso awood firfircoon.”