Wasiirka Gaashaandhiga & Taliyaha xoogga oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

578

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Dhiiragalin u sameeyay Ciidanka Dib u xoreenta Degaanada Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta ayaa Ciidamada dib u xureynta uga mahad celiyay sida ay ula dagaalameen Ururka Al-Shabaab iyo degaannadii ay kala wareegeen.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamada ugu baaqay inay ka fikiraan in markale aysan kusoo laaban Al-Shabaab degaannadii laga saaray ee Gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in sidoo kale laga maarmaan tahay in laga saaro degaannada kale oo ay weli gacanta ku hayaan si looga dulqaado dadka Shacabka ah oo ay dhibaatada ku hayaan.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka xoogga ayaa safarkooda Gobolka Hiiraan waxaa uu salka ku hayaa abaabulka dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaarah.