Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka oo booqasho shaqo ku tagaya Itoobiya

630

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku tagi doona Itoobiya laga bilaabo 26-ka Luulyo, 2022, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

Inta uu ku sugan yahay dalka Itoobiya waxa uu la kulmi doonaa mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda oo uu kala hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Kulamada uu la qaadan doono Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa ayaa la filayaa in sidoo kale dib u eegis ku sameyaan halka ay marayaan heshiisyadii ay horay u kala saxiixdeen labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa la filayaa inuu sidoo kale booqdo dalalka Masar, Uganda iyo Congo.

Waxaa la xusuustaa in bishii March ee sanadkii 2018 uu wasiirku booqasho ku tagay dalka Itoobiya, isagoo la soo saxiixday heshiisyo dhinacyo kala duwan ah oo lagu xoojinayay xiriirka labada dal.