Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay dileen labo dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaann ka tirsan gobolka J/hoose Axaddii lasoo dhaafay.
Mareykanka ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliya Soomaaliya si uu isugu dayo in uu uga adkaado Al-Shabaab oo ah garabka Al-Qaacidda oo dagaallo ka wada Soomaaliya.
Duqeynta ayaa ka dhacday meel ku dhow deegaanka Libikuus ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM.