Dowladda Masar oo doonaysa in ay xoojiso awoodda ciidamadeeda badda si ay u ilaaliso xuduudaheeda badda

600

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa Axadii la kulmay Peter Lürssen, oo ah mulkiilaha iyo guddoomiyaha shirkadda samaynta maraakiibta ee Jarmalka, taasoo qayb ka ah qorshaha Masar ee lagu horumarinayo hubkeeda badda, si kor loogu qaado awoodeeda wax-soo-saar, ilaalinta xuduudaha badda, iyo sugidda socodka badda iyo maalgashiga Badda Cas iyo Mediterranean-ka.
Kulanka ayaa babar socday booqashadii Sisi ee Berlin si uu uga qayb galo wadahadalka cimilada ee Petersberg.

Afhayeenka Madaxtooyada Masar, Ambassador Bassam Rady ayaa sheegay in wada-hadalladan ay taabteen wada-shaqeynta shirkadda Jarmalka ah, taasoo khibrad ballaaran u leh arrimaha badda iyo horumarinta agabka hubka, marka laga soo tago barnaamijyada tababaridda kaadiriinta Masar.
Guddoomiyaha Golaha Maamulka ee Lürssen ayaa sheegay inuu ku hanweynahay habka iskaashiga wadajirka ah ee Masar… iyo sidoo kale fursadaha rajo-gelinta ah ee maalgashiga tooska ah, iyada oo la eegayo horumarka ballaadhan ee ay dawladdu ka samaysay qaybaha kaabayaasha dhaqaalaha.”
Sisi iyo Lürssen waxay kulmeen bishii Ogosto 2020 “si ay uga wada hadlaan iskaashiga u dhexeeya dhinaca Masar iyo shirkadda Jarmalka, taas oo khibrad qoto dheer u leh dhismaha maraakiibta,” sida lagu sheegay bayaanka madaxtooyada ee wakhtigaas.
Shirar kale oo dhowr ah ayaa labada dhinac dhexmaray sanadkii la soo dhaafay.

Bishii Noofambar 2020, dawladda Jarmalku waxay ogolaatay in Lürssen uu Masar geeyo sagaal doonyood oo ilaalada xeebaha ah iyo doon difaaca xeebaha ah, heshiis dhan 130 milyan oo Yuuro, sida ay sheegtay warbaahinta Jarmalku wakhtigaas.
Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Africa Intelligence bishii Sebtembar 2021, Lürssen ayaa Masar u soo bandhigtay qorshe ay ku samaynayso goob maraakiibta iyo tas-hiilaadka badda ee u dhow marinka Suweys, si uu awood ugu yeelato dalkaasi in uu samaysto maraakiib ciidan iyo kuwa ganacsi, si loo yareeyo ku tiirsanaanta dibadda.

Masar ayaa kaalinta koowaad ka gashay dalalka ugu badan ee hubka looga soo dhoofiyo Jarmalka sannadkii hore, iyadoo ku bixisay 4.34 bilyan oo Yuuro, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda dhaqaalaha Jarmalka oo soo baxday billowgii sannadkan 2022-ka.