Real Madrid Oo Lagu Qabsaday Mucjisada Brazil Ee Matheus Nascimento & Naadiga Sida Adag Usoo Galay Tartankiisa

560

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waajahaysa tartan adag oo lagula gelayo xiddiga uu tababare Carlo Ancelotti qorshaynayay inuu la saxeexdo ee Matheus Nascimento, kaas oo ay hadda koox weyn oo reer Yurub ah soo gashay loollankiisa.

Matheus Nascimento oo ay da’diisu tahay 18 jir ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Real Madrid, waxaana mucjisadan ay Florentino Perez iyo Carlo Ancelotti doonayeen inay ay keenaan Santiago Bernabeu xagaaga dambe.

Real Madrid oo sannadihii ugu dambeeyey beddeshay siyaasaddeeda suuqa ayaa bartilmaameedsanaysay ciyaartoyda da’yarta ah, waxaanay hore ula saxeexatay laacibiinta Vinicius Junior, Rodrygo, Fede Valverde iyo Camavinga oo dhamaantood ay lasoo wareegtay iyadoo da’doodu ka yar tahay 18 jir.

Qorshaha Madrid ayaa ahaa in Matheus Nascimento uu maro dariiqa laacibiinta ay isku waddanka yihiin ee Vinicius Jr, Rodrygo, Reiner Jesus oo ku jira da’yarta iyo sidoo kale Vinicius Tobias oo isagana ay bishii April kala soo wareegeen kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donesk.

Sida uu qoray wargeyska Defensa Central ee kasoo baxa magaalada Barcelona ee waddanka Spain, Matheus Nascimento ayaa waxa tartankiisa si adag usoo gashay kooxda reer France ee Lyon oo doonaysa inay ka ahor qaaddo Real Madrid, waxaanay xidhiidh la samaynayaan Botafogo oo uu da’yarkani ka ciyaaro.

Matheus Nascimento oo ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan ee da’yarta ah ee horyaalka Brazil ka ciyaara ayaa kooxda koowaad ee Botafogo usoo dallacay September 2020, waxaanu illaa waqtigaas u saftay 44 kulan oo uu u dhaliyey siddeed gool.