Chelsea Oo Xil Weyn U Magacowday Agaasimihii Fulinta Manchester City

625

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday, inay madaxweynaheeda u magacowday agaasimihii hore ee fulinta Manchester City ee Tom Glick, kaas oo ka hoos shaqayn doona Todd Boehly.

War-saxaafadeed ay Chelsea soo saartay ayay ku sheegtay, in Glick uu noqon doono madaxweynaha Blues ee qabanaya hawlaha maalinlahaah ee Stamford Bridge iyo go’aamada hawl-fulinta, sidoo kalena uu maamuli doono ganacsiyada iyo dejinta istaraatiijiyadaha kooxdaas.

Glick ayaa waxa sidoo kale masuuliyadaha la saaray ka mid ah kordhinta dakhliga Chelsea, in taageereyaasha kooxda la kordhiyo iyo sidii sare loogu sii qaadi lahaa sumcadda kooxda Mulkiilaha Chelsea ee Todd Boehly ayaa u magacaabay Glick in uu noqdo madaxweynaha Chelsea ee maamulaya naadiga, si uu isaguna firaaqo ugu helo inuu qabsado hawlihiisa kale oo uu ugu ekaado mulkiilenimada oo ay saamiyo kula leeyihiin laba maalqabeen oo kale oo kasoo jeeda Maraykanka iyo Switzerland..Masuuliyadaha Tom Glick ayaa waxay u badnaan doonaan dhinaca ganacsiyada isaga oo fadhiyi doona xafiiska ganacsiga, waxaanay magacaabistiisu imanaysaa toddobaadyo kaddib markii ay Blues ka tageen Marina Granovskaia oo ahayd agaasimaha kooxda iyo Gyuy Lawrence oo isaguna bishii hore xaqiijiyey inuu ka tegay xilkiisii ahaa agaasimaha fulinta.

War-saxaafadeedka ay Chelsea soo saartay ayaa lagu yidhi: “Kooxda kubadda cagta Chelsea waxay maanta u magacowday Tom Glick oo khibrad 30 sannadood ah u leh suuq-geynta ciyaaraha iyo hawlaha fulinta, in uu noqdo madaxweynaha cusub ee Ganacsiga.

“Glick waxa uu qaban doonaa masuuliyadaha hawlaha maalinlaha ah ee kooxda kubadda cagta Chelsea, kuwaas oo ay ku jiraan maamulidda iyo dejinta istaraatiijiyadda ganacsiga dunida ay kooxdu ku leedahay, dhaqaajinta kobcinta dakhliga, sare u qaadista taageereyaal ay kooxdu gaadho iyo abuuritaanka in kooxdu hesho taageereyaal badan.”