Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo dalka ka bilaabanaya maanta

662

Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee dowladda ay qaadeyso ayaa lagu waddaa in uu maanta dalka ka bilowdo marka laga reebo Somaliland iyo Puntland.

Qeybo ka mid ah Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu waddaa in maanta ardayda dugsiyadda Sare ay u fadhiistaan Imtixaanka dowladda ee shahaadiga ah.

Xarumaha  Imtixaanka lagu galaayo ayaa  waxaa la geeyay Ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi iyo kormeerayaal loogu talo galay inay ilaaliyaan Imtixaanka,kuwaas oo qaarkood ka socda Wasaaradda Waxbarashada.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa in ay kormeeraan Goobaha ay lagu qaadaayo Imtixaanka.

Imtixaanka ayaa si rasmi ah maanta kaga bilaaban doona gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.