Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in Xarunta Shirarka ee Villa Hargeysa inay Kulan wadajir ah ku yeeshaan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Guddoonka labada Aqal ayaa xalay Xildhibaannada ku wargeliyay in kulanka wadajir ah uu jiro, waxaana Ajandaha uu yahay Akhrinta kowaad ee Miisaaniyadda dowladda ee Sanadka 2022.
Dhawaan kulankii ugu horreeyay ay yeelan lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u baaqday Kooram la’aan.
Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah, waxaana Kulanka Maanta sidoo kale la filayaa in lagu dhaariyo Xildhibaano Xubno ka noqday Guddiga Arrimaha Dastuurka.