
Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga XFS , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa soo gabagabeeyay booqasho 3-cisho ah oo uu ku tagay dalka Tansaaniya.
Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Tansaaniya Cabdi Wali Jibriil Xasan,ayaa warbaahinta Qaraanka u sheegay in booqashada wasiirka ay la xiriirtay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaalkiya iyo Tansaaniya.
Wasiirka Difaaca Dowladda Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa dalkaasi,waxa uu u kurgalay qaabka ay u socdaan howlaha safaaradda iyo adeegyada kale ee loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wasiirka XFS,waxa uu la kulmay wasiirka adeegga Qaranka Dalkaasi marwo, Stergomena Lawrence.