
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame u magacaabay ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Cabdiraxmaan in uu mutawaxnimo uu shaqaddaan u qaban doono, maadaama uu yahay Xildhibaan ka tirsan Golaha.
Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Party wuxuu kamid ahaa musharaxiinta madaxtinimadda doorashaddii dhacdey 15-kii May.
Qaybo kamid ah Soomaaliya waxaa haatan ka jira abaaro saameeyay dad iyo duunyo.