Kulanka Maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu guddoominaayey Guddoomiye kuxigeenka labbaad ee Golaha Md.Cali Xamuud loogana hadli lahaa arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliland ayaa Maanta baaqday.
Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada ayaa sheegay in kulanka Maanta ay soo xaadireen 35 mudane, isaga oo xaadiriyay mudanayaasha joogay iyo kuwii maqnaa, isaga oo sheegay in Kulanka uu kooram la’aan u baaqdsy.
Sidoo kale Xoghayaha ayaa ugu baaqay dhamaan Golaha Wakiilada inay soo xaadiraan kulamada Golaha si looga doodo xaaladda Guud ee Somaliland maadaama ay soo dhaw yihiin doorashooyinka Madaxtooyada.