
Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Garoowe ayaa saaka mar kale u fadhida dhegaysiga dacwadda ku saabsan dhoofinta dhirta loo yaqaan geed-quwaaxa.
Dhegaysiga dacwadda ayaa socda kadib markii maxkamadda la hor-keenay nin ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta geed-quwaaxa kaas oo u xiran dowladda.
Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale waaran u jartay mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland oo ku eedaysan dhoofinta geed-quwaaxa.
Mas’uuliyiinta ku lug yeeshay barnaamijkaas waxaa kamid ah kuwa hadda xilal ka haya dowladda oo ay ku jiraan xildhibaano inkastoo aan weli tallaabo laga qaadin.