
Diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka Gudoonada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabaneysa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Diiwaan gelinta bilaabaneysa ayaa soconeyso ilaa 22-ka bishan sida Guddiga doorashada gudoonka baarlamaanka ay sheegeen.
Gudaha Xarunta Baarlamaanka waxaa durba ka bilowday olole culus oo ay sameynayaan musharixiinta, waxaana durba ku dhawaaqay musharaxnimadooda dhowr qof oo u taagan xilalka gudoonka labada aqal ee baarlamaanka, iyadoo dadka sharaxan ay Dumar ka tahay wasiirka gargaarka Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye oo u tartameysa gudoomiye xigeenka koowaad ee golaha shacabka.
Marka ay diiwaan gelinta dhamaato, 24-ka April ayaa la qorsheeyey in la qabto hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka, 25-ka ilaa 26-ka bisha waxaa la siiyey fursad ay xubnaha guddigu isugu diyaariyaan doorashada guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyey inay dhacdo 27-ka bishaan April, halka mida aqalka sare ay maalin kahoreyso oo ay dhaceyso 26-ka bisha.