Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland oo Tababar u qabatay shaqaalaha dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo

759

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Jubbaland Cali Careys ayaa shaqaalaha Degmada Hoose u daahfuray tababar ku saabsan habraaca wax soo iibsiga ee dowladaha Hoose.
Tababarkan ayaa waxaa loo qabtay Shaqaalaha degmada kismaayo, kuwaas oo gaadhaayey 15 shaqaale,wuxuuna socon doonaa muddo afar maalin ah.

Muhiimada tababarkan shaqaalaha loogu qabtay ayaa ah in la baro habka ay wax u soo iibsan karaan iyo shuruucda wax lagu kala iibsan karo iyadoona Wasaarada ay u soo diyaarisay shaqaalaha Buug ka hadlayo wax iibsashada waxayna oga goleedahay in lagu dhiso aqoonta Howl-wadeenada Degmada Kismaayo.