Madaxweyne kuxigeenka labaad Ee Jubbaland oo ka qayb galay Munaasabad lagu Maamusayay Maalinta Haweenka Aduunka

899

Madaxweyne ku xigeenka 2aad ee Jubbaland C/qaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayey 8 Marso oo ah maalin loo asteeyey in lagu weeneeyo Haweenka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qeyb galay labada Gole ee ka tirsan Dowlad goboleedka Jubaland, Maamulka Gobolka, kan Degmada, Ururada Haweenka qeybahooda kala duwan iyo Haweenka kale ee ku nool Magaalada Kismaayo.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Faadumo Mahamed Abdi Gudomiyaha haweenka Degmada Kismaayo iyo Gudomiyaha haweenka gobolka jubadda hoose Faadumo Aadan Katela, waxayna sheegeen in maalintani ay tahay maalin weyn Haweenka ay wax badan u qabteen Dalk Soomaaliyeed Gaar ahaan Jubbaland.

Wasiirada Wasaarada Haweenka Arimaha Qoyska iyo Xuquuqul insaanka Jubbaland Marwo Cadar Ismaaciil Juubraati oo madasha ka hadashay ayaa haweenka ku bogaadisay shaqada iyo hormarada kala duwan ay hayaan iyadoona ku dhiiri galisay inay hore usii wadaan shaqada ay u hayaan Bulshada iyo Dowlada.

Madaxweyne ku xigeenka 2aad ee Jubbaland C/qaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa haweenka ugu hambalyeey maalin Haweenka ee 8da Marso, wuxuuna ku ammaanay haweenka sida ay uga shaqeeyaan Midnimada, isku duubnida iyo nabada.

8 bisha marso ee sanad walba ayaa la xusaa iyadoo ah maalin loo asteeyey dhammaan Haweenka Aduunka waxaana la asteeeyey sanadkii 1975 waxaana asteesay Hay’adda Qaramada Midoobay.