Madaxweynaha Muddo xileedkiiso dhamaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Sabti ah ku wajahan magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Wakaaladda wararka ee Qatar ayaa sheegtay in Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani uu maalinta Axad ah uu kula kulmi doona Madaxweynaha Soomaaliya.
Labada Masuul ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa loona horumarin lahaa, iyadoo ay u dheer tahay arrimo dhowr ah oo khuseeya danaha guud.
Qatar ayaa kamid ah Dawladdaha saameyn xoogan ku leh arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya