Imaaraadka Carabta Oo Soo Dhaweeyay Tallaabo Uu Qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble

620

Imaaraadka Carabta ayaa soo dhoweeyay raali-gelintii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyay dhacdadii 2018-kii ee Imaaraadka ay dowladda ugala wareegtay lacag dhan 9.8 milyan oo dollar.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay soo dhaweyneyso tallaabada uu Ra’iisul Wasaare Rooble raalli-gelinta uga bixiyey

Dhaxalsugaha Abu Dhabi Sheekh Maxamed Bin Zayid Ala Nahyaan ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay mowqifkii Xukuumadda Soomaaliya ay cambaareysay weerarradii argagixiso ee Xuutiyiintu la beegsadeen goobo ku yaalla Imaaraadka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Sheekh Maxamed Bin Zaayid iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa iyo sidoo kale doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Rooble ayaa dhowaan Imaaraadka ka raalli-geliyay dhacdada DFS ugala wareegtay lacagta, isagoo balanqaaday in dib loogu celin doono lacagta lagala wareegay April sanadkii 2018, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu diiday in lacagtaas laga bixiyo Bankiga dhexe ee dowladda