Ururrada Bulshada Rayidka Oo Sheegay In Aan La Fulin Qodobada Heshiiskii Doorashada

816

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Tahliil Shaatax ayaa sheegay in Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran aysan fulin oo ay hirgelin heshiiskii ay ku gaareen Shirkii uga qabsoomay Magaalada Muqdisho ee socday 7-da maalin.

Guddoomiye Shaatax oo wareysi siiyay mid kamid ah Telefashinada Afka Soomaaliga ayaa tilmaamay in Madaxda Golaha sidii loo baahnaa oo uu qornaa heshiiska doorashada aan loo fulin oo ay weli sii socoto in kuraasta doorashada qaar la xiro, isla markaana la xakameynayo ergada wax dooraneysa.

Shaatax ayaa Carabka ku dhuftay inay rajo wanaagsan ka qabeen in Golaha ay qaadan doonaan tallooyinkii ku aadanaa doorashada oo ay siiyeen Midowga Musharaxiinta, Beesha Caalamka iyo Ururrada Bulshada Rayidka, balse aysan qaadan, horeyna shaki uga qabeen.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka ayuu sheegay inay dhacdooyin kala duwan ka diiwaan-geliyeen doorashada Golaha Shacabka ee socota, isla markaana ay soo saari doonaan Warbixino ay ku caddeynayaan qalalaadkii dhacay.

Ugu dambeyn Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayuu Guddoomiye Tahliil Shaatax ugu baaqay inay fuliyaan heshiiskii ay ka gaareen doorashada oo aheyn in doorashada noqon doonto mid daahfuran oo waqtigii lagu heshiisyay doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo