Wasaaradaha cadaalada heer fadaraal iyo heer dowlad goboleed ee jubbaland oo si wadajir usoo xiray tababar looga hadlaayay wacyi-galinta xagjirnimada

714

Wasaraadda Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee dowladda Fadaraalka Soomaaliya oo kaa shaneeysa wasaaradda cadaaladda iyo awqaafta arrimaha diinta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa manta Si Wadajir ah usoo gaba-gabeeyay Tababar looga arrinsanayay istiraatijiyadda Qabya Qoraalka ah ee wadahadalalada Nabadeed, kaas oo looga hadlayay Ka hortagga afkaarta xagjirka.

Aqoon isweedaarsigaan Maanta lasoo xiray ayaa shalay laga furay magaladda Kismanyo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubbaland, waxana kaso qeyb galay wasiir ku xigenka Wasaradda cadaladda Awkhaafta iyo Arimaha Dinta Xukuumada Fadaraalka Somalia Maxamed Sheikh Aaden iyo iyo Dhigiisa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaalada jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xusein.

Kulanka Tababarka Intii Uu socday ayaa waxa la isku waafaqayay dhamaan qodobada halkaas lagu soo bandhigay, iyado la isku afgartay in la joogteeyo kulamada culumada iyo wacyi galinta bulshada.

Ugu Horeyn Wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada awqaafta iyo arimaha diinta dowlad goboleedka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xusseen ayaa culimada Soomaaliyed kula dardaarmay in ay qaataan doorkooda ku aaddan ka hortagga afkaarta xagjirka.

Ugu Dambeyn Waxaa Tababarka Soo Xiray Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Awkhaafta iyo Arimaha Diinta Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Aaden Ayaa Sheegay in ay muhiim tahay dhalinyarada soomaaliyeed in laga wacyi-galiyo Afkaarta Khaldan Ee Xagjirnimada.
Wasaaradaha Cadaalada Heer Fadaraal iyo Heer Dowlad Goboleed Ee Jubaland Ayaa Wada iskaashiga Wacyi-galinta dhalinyarada soomaaliyeed si aan looga faa’iideysan afkaarta khaldan Ee Xagjirnimada.