Tiro ku dhow 100 ruux oo tahriibayaal ah ayaa saaakay laga soo celiyay dalka liibiya kuwaas oo halkaas dhibaato badan ku maray.
Dhalinyarada maanta la soo celiyay ayaa diyaarad gaar ah looga soo qaaday dalka libiya kuwaa oo qeybtooda xanuunsan kaddib markii ay mareen sida la sheegay ciqaabo badan.
Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in ay aadayaan gobolada dalka maadaama halkaa ay ka baxeen marka hore liibiyane ay u gaareen in ay yurub usii gudbaan.
Shan dumar ah ayaa kamid ah dadka lasoo celiyay saakay.
Wasiirka arrimaha debedda, wasiiru-dowlaha amniga iyo xubno kamid ah dowladda ayaa soo dhoweeyey.
Dadka lasoo celiyay ayaa soo maray xabsiyo kala duwan.