Shirka wadatashiga Qaran oo Maalintiis 5-aad galay

980

Afhayeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal kooban ka soo saaray shirka weli Muqdisho uga socda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa yiri, “Saakay oo Sabti ah waxa Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaran waxay sii wadaan kulankoodii ay diiradda ku saaranayeen arimaha doorashooyinka. Madaxda ayaa waxay maanta falanqeyn iyo wadatashi ka leeyihiin cabashooyinkii la xiriiray hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Soomaaliya”.

Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa wali u socda kulamadii diiradda lagu saarayay arimaha doorashooyinka, Madaxda ayaa waxa ay maanta falanqeyn iyo wadatashi ka leh cabashooyin la xariira hufnaanta la’aanta doorashaooyinka oo ay soo gudbiyeen Midowga murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxibada Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Roobld ayaa balan qaaday in dalka ka qabsoomeyso doorasho daaf-furan oo lagu kalsoon yahay iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee golaha shacabka.