Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Kulan La Qaatay Xubno Ka Tirsan Beesha Caalamka

804

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Safiirada dowladda Ingiriiska Kate Foste iyo Sii-hayaha Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka Madaxweyne Lafta-gareen iyo Safaarada ayaa ka wada hadlay Arrimo kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka dhacaya oo ku qabsoomi waayay waqtigii loogu tala-galay.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Safiirka Ingiriiska Kate Foste iyo Sii-hayaha Safaarada Mareykanka kala hadlay ammaanka deegaannada Maamulkaas iyo sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha baahsan ee saameynta ku yeelatay Bulshada.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa dowladda Ingiriiska iyo Mareykanka ka dalbaday inay dardar-geliyaan taageerada ay siiyaan maamulkiisa, isagoona uga mahadceliyay dadaalada ay wadaan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku aadan doorashada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya Shirka uu ku baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble ee looga hadlayo saxida doorashada iyo dardar-geliteeda, waxaana xusid mudan Lafta-gareen uu horey u diiday ka qeyb galka Shirka uu Iclaamiyey Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta…