Wasaaradda Gargaarka oo ka hadashay abaarta saamaysay deegaanada Jubbaland

742

Iyadoo abaar aad uu daran ay ku dhuftay deegano badan oo dhaca koonfurta Somaliya , ayaa abaartan sameeyn baladhan waxaa ay ku yeelatay dad iyo duunyaba,waxaana xoolihii dhaafeen dad badan oo xoolo dhaqaato ah ooh adda wajahay xalado noololed oo aad u adag.
Deegaanada Jubbaland waxaa ay ka mid yihiin meelaha ay aadka Usaamaysay abaarta mana’aysan jirin gargaar dhab ah oo gaaray dadka xoola dhaqatada ah ee ay abaartu saamaysay.

PROF. Cabdullaahi Sheekh Shaafici oo ah la taliyaha wasaarada Gargaarka maaraynta iyo musiibooyinka Dowlad gobaleedka Jubbaland oo inooga waramay sida ay Jubbaland u saamaysay baarta ayaa inoo sheegay in ilaa iyo hada ay abaartu ku naf waayeen 16 qof oo u badan caruur iyo haween sidoo kalena xoolo aan cadad lahayn ay ku baaba’een abaarta.

Dhinaca kale latiyaha wasaarada Gargaarka Jubbaland oo ka Jawaabayey habka ay Jubbaland abaartu ula-tacaashay ayaa sheegay in Wasaarada Gargaarka Jubbaland oo markii ugu horeysay sanadkan ka mid noqotey hay’adaha dowladda, lana sameeyey Bishii May ee sanadkan ayaa sheegay in aysan awoodin in ay wax ka qabato abaarta daran ee dhacday marka laga tago in ay dajisay qorshe wax looga qabanaayo abaarta.

Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Somaaliya oo dhawaan soo saaray qorshaha ka jawaabista baahiyaha bani’aadanimo ee 2022 ayaa qaramada midoobay waxaa ay ku dhawaaqaysaa in 17milyan oo doolar oo loogu tala galay dadaalada deg dega ah ee wax looga qabanayo abaarta in wajiga hore lagu jaho gargaarka sidoo kale waxaa ay dalbanaysa qaramada midoobay lacag gaaraysa 1.5bilyan
Prof.Cabdullaahi Sheekh Shaafici la taliyaha wasaarada gargaarka Jubbaland ayaynu waydiinay bal dhaqaalaha wax ay ka tari karto baarta .