Galmudug oo maanta shaacisay Kuraasta ugu horreeysa ee Aqalka hoose BFS

987

Guddiga hirgelinta doorashada Maamulka Galmudug ayaa Maanta oo Khamiis ah shaaciyay shanta kursi ee ugu horreeysa ee doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen in Guddiga doorashada uu guda galayo diiwaan-gelinta Odayaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka iyo Ergada dooraneysa shanta kursi ee ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Sidoo kale Guddiga hirgelinta doorashada Galmudug ayaa xusay in maalmaha soo socda ay qaban doonaan doorashada kuraasta tirsigoodu kala yihiin HOP043 oo ku fadhiyay Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf, HOP054 oo ku fadhiyay Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, HOP104 oo ku fadhiyey Mahad Cabdalla Cawad, HOP067 oo ku fadhiyey Cabdullaahi Cali Axmed iyo HOP026 oo ku fadhisay Ikraan Aadan Absuge..

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay sheegay in doorashada shanta kursi ee ugu horreeysa ee Golaha Shacabka ay ku qaban doonaan saddex maalmood guhadood, iyadoona lasoo saaray kuraasta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhoweeyay doorashada kuraastii u horreysa Golaha Shacabka ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor in saddex maalmood gudahood lagu qabanayo.