Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

1206

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay kooxa burcad koonfur afrikaan ah ay dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada dalkaas.

Muwaadinkan oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamuud Cabdi ayaa waxaa lagu dilay deegaanka Plain oo ka tirsan Magaalada Cape Town.

Dilka muwaadinka Soomaaliyeed ayaa yimid kadib markii koox burcad hubeysan ay ku soo weerareen goobtiisa ganacsi uu ku lahaa deegaanka Plian oo uu ku sugnaa xilligii dilka uu dhacayay.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa baritaano kooban ka sameyay kuwaas oo ay ku baadi goobayaan kooxa dilka ka dambeyay wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku soo dhigaan burcaddi dilka geysatay.

Allh unaxriistee Cabdinaasir Maxamuud Cabdi ayaa kamid noqday Kumaan soomaali ah oo lagu dilay Dalka Koonfur Africa.