Maamulka degmada Kismaayo oo shaaciyay in dhawaan ay bilaaban doonto dhismaha shan waddo oo laami ah

1274

Wadooyinkan oo loo dhisi doono hab casri ah ayaa dherer ahaan gaari doona ilaa 10-km iyo 400 oo Meter, waxaana laga fulin doonaa wadooyinka dhexmara magaalada ee burbursan ee aan weli wax laami ah la saarin.

Maamulka ayaa bulshada ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan una fududeen shaqaalaha ku howlan mashruucan sidii ay howshooda u gudan lahaayeen, ayadoo ay hadda socdaan qiimeyntii wadooyinka, waxaana uu maamulka degmadu shaaciyay in si rasmi ah loo bilaabi doono howlaha dhismaha wadooyinka bilowga bisha Janaayo ee sanadda 2022.