WASAARADDA XANAANADA XOOLAHA JUBBALAND OO KA HADASHAY XAALADDA ABAARTA EE KA SIIDARAYSA

820

Shir ja’raaid oo maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda xanaanadda xoolaha dhirta iyo daaqa Jubbaland ayaa looga hadlay saamaynta abaaraha kajira deeganada Jubbaland, waxaana shirka lagu soo bandhigay xogo laga soo aruuriyay sadexda gobol ee ay ka kooban tahay Jubbaland.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay dhaqaatiirta wasaaradda xanaanadda xoolaha agaasimaha wasaaradda iyo wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha.
Magacyada
Intii uu socday shirka ayaa waxaa la soo bandhigay xoolaha dadka oo ga dhintay abaarta oo gaaraya ilaa 34,000 kun oo iskugu jiri Ari Geel, Lo, xoolaha loo adeegsado rarashadda sida dameeraha sida uu Radio Kismaayo uxaqiijiyay Wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha Maxamed Noor Ali
‘’awoodeena wey kabaxsan tahay abaaraha hadda kajira Jubbaland marka waxay ubaahantahay in loo midoobo sidii wax looga qaban lahaa ‘’sidaas waxaa yiri Maxamed Noor Ali wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha Jubbaland oo kahadlayey shir ja’raaid oo uu kaga hadlayey abaaro ka jira deeganadda Jubbaland
Deeganada iyo degmooyinka ugu daran ee ay saameeyeen abaaraha ayaa waxaa ka mid degmadda Afmadow degmadda Badheedhe,deeganka kulbiyow iyo deegano hoos yimada
Dhimashadda xoolaha ayaa waxaa loo sababeynayaa daaq yari ,biyo la,aan, xanuuno iyo xoolo ka soo gudbay xuduuddaha Kenya iyo Itoobiya oo soo galay xuduudda Soomaliya, kuwaasi oo ay wasaaradda xanaanada xoolaha ay sheegatay in ay cuduro ugu dbiyeen xolihii ay uyimadeen.
Caqabadaha Jira ee xaaladda abaarta uga sii Daraya ayaa waxaa ka midda Dhaqaale xummo kajirta dalka iyo gargaarka yar ee la haayo oo aan lagayn Karin meelaha ay ka jirto dhibaatada xoogan.

Dadaaladda wasaaraddu ay samay say intii ay jireen abaaraha ayaa waxaa kamid ah baari taano lagu xaqiijinayo caafimaadka xoolaha, iyadoo dhiig ay ka qaaday xoolaha loo gudbiyay sheybaarka qaranka .

Maxamed Noor Ali wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha Jubbaland ayaa baaq udiray DFS iyo hay’addaha deeq bixiyaasha wuxuuna ugu baaqay in ay san fududeysan xaaladdaha abaaraha ah ee kajira Guud ahaan Jubbaland .
’’ dadka xoola dhaqatada qaar xoolihii wey kadhinteen qaarna wey hays taan laakiinse xoolaha haray hadii ladaaweyo waxaa dhici karta in ay bad baaddan balse hadii lagu fiirsaddo abaarta jirta waxaa dhici karta in xoolaha yarka ee ah ee soo haray dhamaaddaan DFS waxaan uga fadhinaa in ay si dag dag ah wax uga qabo abaarta kajirta Jubbaland ‘’ sidaas waxaa yiri Maxamed Noor Ali wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha Jubbaland