Gudiga Maaraynta Masiibooyinka Jubbaland oo manta loo qabtay tababar aqoon korarsi ah

890

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland ayaa waxaa maanta tababar u furtay qaar ka mid ah Guddiga u diyaar garowga iyo ka jawaabista masiibooyinka ee wasaaradda oo ka kooban 20 ruux.

Tababarkani ayaa socon doono muddo labo cisho ah,waxaana tababarka diiradda lagu saarayo muddada uu socdo hubinta waxyeellada bulshada ay ku yeeshaan marka masiibooyin dhacaan, taas oo gudiga ka caawinaysa in ay gudiga fahmaan raadadka, iyo waxyeellada ay garsiiyaan masiibooyinka dabiicig ah nolasha bulshada iyo deegaanka intaba.
Dalkeenaa ayaa waxa ku soo laab laabta masiibooyin dhowr nooc ah,sida abaaraha iyo fatahaadaha iyo wixii la midka ah.
Cabdullaahi Shaafici Cabdullaahi lataliyaha wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland oo tababarkani daahfurrayey ayaa ka warbixiyey tababarkani iyo waxa uu ku saabsanaa ‘’ maanta kullanka wuxuu ku sabsanaa wuxuu ahaa tababar, kamid ah tababarro noo soo socday. Waxaan ka shaqeeneena baryahaan, barnaamijkan yareenta, qataraha ay keenaan musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga aheen labadaba, guud ahaan tababarkeena maanta wuxuu ku saabsan yahay in aragtidooda ay ka qaatan dadka ay quseeso howshaan arrimaha gargaarka’’ ayuu yiri Cabdullaahi Shaafici Cabdullaahi lataliyaha wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland