Mareykanka oo war kasoo saaray khilaafka u dhaxeeya RW Rooble iyo MW Farmaajo.

865

Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay khilaafka ka dhex taagan RW Rooble iyo MW Farmaajo, kaas oo ka dhashay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Warkan kasoo baxay Mareykanka ayaa waxaa loogu baaqay in taagan RW Rooble iyo MW Farmaajo si nabad ah ay ku xalliyaan khilaafka ka dhex jira.

Sidoo kale, waxay ku booriyeen labada masuul in ay diiradda saaraan socodsiinta iyo hirgalinta arrimaha doorashooyinka dalka.

Hadalkan kasoo baxay Mareykanka ayaa kusoo beegmaya, iyada oo Beesha Caalamka ku baaqday in xal laga gaaro khilaafka ka dhaxeeya RW Rooble iyo MW, si looga hortaggo dib u dhac mar kale ku yimaada doorashooyinka Soomaaliya.