
Waxaa maanta lagu wadaa in midowga musharixiinta mucaaradka ay warmurtiyeed ka soo saaraan shirka maalmahan ugu socday Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay qaabka ay ku bilowdeen doorashooyinka aqalka sare ee BFS.
Musharixiinta ayaa la filayaa in maanta ay kulamo la qaataan madaxda dowlad goboleedyada, R/Wasaare Rooble, iyo xubnaha beesha caalamka.
Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa shirka looga hadlayay arrimo la xiriira doorashada xubnaha Aqalka Sare ee dhowaan qaar ka mid ah ay ka dhaceen dowlad goboleedyada kuwaasoo lagu dhaliilay inay ahaayeen xulasho halkii doorasho ay ka dhici lahayd.